Top Ad unit 728 × 90

Latest

recent

MURUGADA IYO SIDA LA ISAGA DAWEEYO

 




Waa maxay calaamadaha murugada?

Waxaa jira calaamado badan oo laga yaabo inay ka soo baxaan dadka eey heyso murugada ama niyad-jabsan, calaamadahani  isku si looma dareemo oo qof si ayaa looga gartaa inuu murugeysanyahay waxaana laga yaabaa in qayb ka mid ah dadka qaarkood si fudud looga garto  calaamadahan ayaa loo qaybiyaa sida soo socota.


Calaamadaha nafsiga ah

calaamadahaan waxaa dareemi kara qof oo waa dareen gudaha qofka ah 

  • Dareemida  murugo joogto ah.
  • Dareemida rajo beel iyo cidlo.
  • Kalsooni la'aan.
  • qofka oo markasta raba inuu ooyo
  • inuu qofku isku maleeyo dambiile
  •  xanaaq iyo dulqaad la'aan
  • Qofka oo aan dhiiraneyn ama aanan waxba xiiseyn
  • Go'aan qaadashada oo ku adkaata
  • inuu dareemo qofka raaxo la'aan oo uu isku arko markasta mid dhib uun kujira
  • Qofka in uu markasta walwalo
  • in uu ku fakaro markasta inuu dadka kale dhibo


Calaamadaha jirka kasoo muuqda

murugada ayaa keenta calaamado kasoo muuqda jirka si lamid ah kuwii uu qofka dareemayay sida:
  • qofka in uu tartiib tartiib hadalka u soo saaro ama uu usocdo asagoo awal caadi ahaa
  • rabitaanka cuntada iyo miisaanka oo yaraada ama kordha.
  • qofka oo badarka iyo biyaha kataga
  • dareemida xanuun aan meel loo raaco laheyn
  • Tabar yari
  • caadida oo ka wareerta hadii eey dumar tahay
  • Hurdo la aan ama hudo fara badan

Calaamadaha bulshada

sidoo kale muragada ayaa laga yaabaa ineey saameyso dhanka la dhaqanka bulshada sida:

  • Isku dayida  kafogaado asxaabta iy bulshada.
  • hamiyari qofka ku imaato oo ah inuusan kala jecleyn wax kasta
  • inuu dhib ku qabo guriga ama qoyska

Sidee looga takhalusaa calaamadaha niyad-jabka ama murugada?

Waxaa jira habab badan oo lagu daweyn karo niyad-jabka, dhakhtarkuna wuxuu qof walba u dooran karaa hababka ku habboon xaaladdiisa, hababkaasna waxaa ka mid ah: 

  • iskaryeela Qofeed:Jimicsi samee, hel saacado hurdo oo kugu filan, iyo wakhti la qaadashada qoyska iyo asxaabta intaan ayaa kaa caawineysa inaad daryeesho naftaada
  • in aad dhaqtar lafariisato: dhaqtarka waxa uu kaa caawinayaa inuu kuu sheeqo halka eey wax kajiraan waxaana dhici karta in eey jiraan xanuuno qofka aan dhaqtart aheen uu sheegi karin sidaa darteen waa inaan booqataa dhaqtar cilmu nafsi.
  • is quraan saar: waxeey aheed inaan ka dhigno midka ugu horeeyay iyo kan ugu dambeeyay is quraan saarida waa dawada kaliya ee aan hubo iney ku an faceyso ama adiga isku aqri ama halagugu aqriyo waad ku caafi maadi doontaa inshaa allah 

MURUGADA IYO SIDA LA ISAGA DAWEEYO Reviewed by mohamedgureey on December 23, 2024 Rating: 5

No comments:

All Rights Reserved by mohamedgureey © 2021 - 2024
Designed by MohamedGureey

Contact Form

Name

Email *

Message *

Powered by Blogger.